Hoggaamiye Firdhiye oo ka hadlay kufsi ka dhacay Laascaanood iyo arrimo kale.

20 June, 2025

Hoggaamiyaha Maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye oo shalay soo gaarey Magaalada Laascaanood ee xarunta…

Hoggaamiyaha Maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye oo shalay soo gaarey Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay kufsi wadareed todobaadkaan ka dhacay Laascaanood.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa si adag u cambaareeyey kiiskaasi, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan aysan gunnimo qaadan doonin, ayna ciqaab adag marsiin doonaan dadka ay ku caddaato inay ku leeyihiin falka lagula kacay labada gabdhood ee walaala ah.

“Ma dhacayso inaan doorano hableheenii oo la dhibaateeyey inaan ku eedayno oo aynaan waxba ka qaban, in eedaysane loo haysto inuu waxyeeleeyey gabdho walaalihiis ah uu Imtixaan u fariisto SSC oo dhan ayey sharaf dhac ku ahayd waana ka mayraynaa bartaa madaw ee taariikhdooda la doonayo in loo yeelo”, Ayuu yiri Firdhiye.