Hoggaamiyaha maamulka KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa ka hadlay qabsoomidda doorashooyinka labaad ee maamulkaasi iyo…

Hoggaamiyaha maamulka KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa ka hadlay qabsoomidda doorashooyinka labaad ee maamulkaasi iyo xilliga xukuumaddiisu qorshaysay.
Firdhiye ayaa sheegay in doorashadu ku qabsoomi doonto xilligeeda isla markaana uusan jirin wax muddo kordhin ah oo loo samayn doono xukuumaddiisa, loona diyaar garoobo 5-ta Agoos doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
“Waxaa imbadan lagu celceliyaa waqtigii waa dhammaaday ee doorashadu xilligeeda ha dhacdo, Doorashadu waxay dhacaysaa 5Aug ee fooda Ina Ku soo haysa”, Ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye.
Dhanka kalena, hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta inay meel iska dhigaan heesaha ololaha ayna awoodda saaraan dhammaystirka maamul dhiska KHATUMO,”Heesaha waa lakala horraysiiyaa ee kuwa doorashooyinka inoo dib dhiga”.



