Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo ay weheliyaan xubno katirsan golayaasha kala duwan ee…

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo ay weheliyaan xubno katirsan golayaasha kala duwan ee maamulkaasi ayaa safar ku maraya deegaamo katirsan gobolka Sool.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa socdaal uu ugu kuurgelayo xaaladda deegaanka ku gaarey degmooyinka Tukaraq, Boocame ilaa Taleex oo dhammaan katirsan gobolka Sool, waxaana siweyn u soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshooyinka degmooyinkaasi.
Firdhiye ayaa u sheegay bulshada deegaamadaasi inay ka shaqeeyaan nabadda, ilaalinta deegaanka, wadajirkooda iyo la shaqaynta maamulka, wuxuuna balan qaaday ka dhabaynta heshiisyadii lagu dhisay maamulkaasi iyo axdi qarameedka u degsan.
