Hoggaamiye Shiine oo ka digey Faragelin lagu sameeyo Masiirka shacabka Sanaag iyo Haylaan.

2 days ago

Maamulka SSC KHATUMO ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda deegaamo katirsan…

Maamulka SSC KHATUMO ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda deegaamo katirsan gobolada Sanaag iyo Haylaan, kadib markii DFS ay dalbatay in deegaamadaasi lagu biiriyo SSC KHATUMO.

Hoggaamiye ku xigeenka dawladda SSC-khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine), oo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha maamulkaasi ayaa ka digeyin faragelin gudaha ah iyo mid banaanka ah lagu sameeyo bulshada deegaamada MAAKHIR.

Waxa uu muujiyey dareenka ah in deegaamadaasi talo aan midaysnayn loogu soo daro SSC KHATUMO, tallaabadaasi oo sababi karta khilaaf dheeraada iyo colayto u dhexaysa bulshooyinka SSC iyo MAAKHIR, isagoo sheegay in dhankoodu aysan aqbali doonin dadka deegaamada Sanaag iyo Haylaan go’aankooda cid gaar ah afduubto.

“Qaabka aan wax u wadaagayna iyo waxaan wada yeelanayno waa inay noqotaa mid laga bogtey oo laga wadatashaday, waxaan si gaar ah uga digeynaa in qaddiyaddaas la sawir xumeeyo oo bulshada walaaleheena aan fursad lasiin, waa in taladooda loo daayo, SSC Waxay arrintaas kaga arrinsan doontaa shirweynaha loo balansan yahay”.

Hoggaamiyaha aya markale yiri,”Talada waxaa iskaleh maamulka iyo bulshada SSC, DFS waxaa looga baahan yahay taageero kaliya waayo dalku wuxuu lee yahay ismaamulo anaga ayaana ku filan taladeen”.