Hoggaamiyeyaasha DRC iyo Rwanda oo Washington u tagay wadahadal nabadeed

4 December, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Washington kula kulmaya hoggaamiyeyaasha Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo si uu u saxiixo heshiisyo cusub oo loogu talagalay xasilinta gobolka ay colaaduhu saameeyeen iyo soo jiidashada maalgashiga macdan qodista ee reer Galbeedka.

Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu heshiisyo laba geesood ah la saxiixi doono Rwanda iyo DRC si ay uga iibsadaan kheyraadka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Trump ku ammaanay tallaabada uu qaaday ee ku aaddan heshiis nabadeed oo dhexmara dalkiisa iyo DRC.

Rwanda ayaa la sheegaa inay taageero militari siiso jabhada M23 ee awooda kula wareegay gobalada bariga DRC ee qaniga ku ah khayraadka gaar ahaan macdanta dhulka.

Sida dhiggiisa Rwanda, Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa u mahadceliyay Trump iyo mas’uuliyiinta ku lugta lahaa dhexdhexaadinta.

Wuxuu sheegay in heshiisyada nabadeed ay yihiin “horumar muhiim u ah” gobolka, isagoo wacad ku maray in DRC ay sharfi doonto heshiiskan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in heshiiska nabadeed uu siinayo qaab-dhismeed lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo sidoo kale fursado uu Mareykanka u heli karo.

Hase yeeshee in badan oo kamid ah shacabka DRC ayaa si weyn uga soo horjeeda heshiiskan oo ay sheegeen inuu yahay mid kale oo ay dalalka reer Galbeedka doonayaan inay ku xaalufiyaan khayraadkooda dabiiciga ah.