Hoggaamiyihii Maraykanku ku baadi goobi jirey Malaayiinta dollar oo Trump kula kulmaya aqalka cad.

9 November, 2025

Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka, xilli ay Washington ay rajeyneyso…

Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka, xilli ay Washington ay rajeyneyso inay Dimishiq ku darto isbahaysigeeda caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxda ISIL.

Al-Sharaa, oo ciidamadiisa fallaagada ah ay ka saareen Bashar al-Assad dhammaadkii sannadkii hore, ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, si ay uga wada xaajoodaan xiriirka cusub ee labada dhinac.

Ergayga Mareykanka ee Suuriya Tom Barrack ayaa horraantii bishaan sheegay in al-Sharaa inuu saxiixi doono heshiis uu ugu biirayo isbahaysiga caalamiga ah ee uu hoggaamiyo Mareykanka ee ka dhanka ah ISIL oo ah koox uu horay uga tirsanaan jirey.

Waa booqashadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu sameeyo madaxweyne Suuriyaan ah tan iyo markii uu xornimada qaatay dalka 1946, waxaana xusid mudan in madaxweynaha Suuriya uu Maraykanku horay madixiisa ugu baadi goobi jirey Malaayiin dollar waayihiisii ISIL.