15 October, 2025
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, oo muddo lagu daweynayay Magaalada Kochi ee dalka India,…

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, oo muddo lagu daweynayay Magaalada Kochi ee dalka India, ayaa subaxnimadii hore ee saaka geeriyooday kadib makrii wadnuhu istaagay.
Raila Odinga ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya, halkaas oo uu maalmahan ku jiray xaalad caafimaad oo lagu daweynayay, gaar ahaan xanuun dhanka wadnaha ah.
Odinga, oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya intii u dhaxeysay 2008–2013, ayaa door muhiim ah ka qaatay siyaasadda Kenya iyo dib-u-heshiisiintii qaranka kadib doorashadii muranka dhalisay ee 2007.
Wuxuu ahaa hogaamiyaha xisbiga ODM (Orange Democratic Movement), waxaana loo aqoonsan yahay siyaasi muddo dheer u halgamayay dimoqraadiyadda, cadaaladda, iyo midnimada Kenya.



