Hoggaanka barlamaanka Puntland oo la kulmay warbaahinta madaxa banaan.

8 May, 2025

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta, kulan muhiim ah la yeeshay saxaafadda madaxa bannaan, si loo…

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta, kulan muhiim ah la yeeshay saxaafadda madaxa bannaan, si loo xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac. Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, waxaa ka qaybgalay Xildhibaan Maxamuud Aadan, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha; Xoghayaha Guud ee Golaha; Agaasimaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha; Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland (MAP); iyo xubno ka socday saxaafadda madaxa bannaan.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha, oo ah xafiiska u qaabilsan xiriirka saxaafadda, ayaa ballanqaaday in la xoojin doono wada-shaqeynta iyo is-dhexgalka warbaahinta iyo Golaha, si loo helo isgaarsiin hufan oo labada dhinac ah.

Dhankooda, saxaafadda madaxa bannaan ayaa soo bandhigtay caqabadaha jira iyo in warbaahintu ay u helaan xogta iyo shaqada Golaha Wakiillada si ugu gudbiyaan Bulshada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu horumarinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta howlaha Baarlamaanka, iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee saxaafaddu ku leedahay wacyigelinta bulshada.