Hoggaanka mucaaradka oo Muqdisho kula kulmay wakiilada beesha caalamka.

2 June, 2025

Siyaasiyiinta mucaaradka ee xilligaan ku sugan Muqdisho ayaa kulan la qaatay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada…

Siyaasiyiinta mucaaradka ee xilligaan ku sugan Muqdisho ayaa kulan la qaatay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo ay weheliyaan saaxiibada caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayey hab-raacyada geedi-socodka doorashooyinka, muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo ay Soomaalidu u dhantahay, arrimaha dastuurka iyo sidii doorashooyinka dalku waqtigoodii ugu qabsoomi lahaayeen.

Ilo wareedyo ku sugnaa goobta shirka ayaa HM u xaqiijiyey in siweyn looga hadlay baahida loo qabo in la helo jawi siyaasadeed oo deggan, lana xaqiijiyo kalsoonida shacabka, hay’adaha dowliga ah iyo daneeyeyaasha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Xubnaha wakiilada beesha caalamka ayaa dhankooda muujiyay daneyn xooggan oo ay u qabaan horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxayna bogaadiyeen doorka Madasha Samatabixinta ee ku aaddan kor u qaadidda wadahadalka iyo wacyigelinta bulshada.