Hoggaanka SSC KHATUMO oo digniin u diray musharixiinta mucaaradka.

10 July, 2025

Maamulka SSC-khaatumo ayaa shaaca ka qaadday in Magaalada Laascaanood laga mamnoocay gaadiidka dagaalka iyo dhaqdhaqaaqyada hubaysan…

dagaalka laascaanood

Maamulka SSC-khaatumo ayaa shaaca ka qaadday in Magaalada Laascaanood laga mamnoocay gaadiidka dagaalka iyo dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee musharixiinta.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda amniga SSC KHATUMO ayaa lagu caddeeyey in musharixiinta u taagan xilalka Madaxtinimo ee ka tirsan goleyaasha SSC-khaatumo iyo kuwa kalaba yeelan doonaan istaafyo cayiman oo la siiyo tacriif u gaar ah oo lagu aqoonsado

“Musharixiinta u taagan xilalka Madaxtinimo ee ka tirsan goleyaasha Dowlada iyo kuwa kalaba waxay yeelan doonaan istaafyo cayiman oo la siiyo tacriif u gaar ah oo lagu aqoonsado, xil gaar ah ayaana ka saaran dhowrista Amniga guud”, Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

Ugu dambayntiina wasaaradda ayaa sheegtay in Tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo u hoggaansami weyda go’aankaasi, waxaana ay ugu baaqday guud ahaan Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada kala duwan ee Amniga Khaatumo.