Holland oo mamnuucday ganacsiga badeecadaha ka yimaada dhulka xooga ku heysato Israa’iil

22 May, 2026

Jimcihii, Golaha Wasiirradu waxay isku raaceen in la mamnuuco ganacsiga badeecadaha ka yimaada degsiimooyinka sharci darrada ah ee Israa’iil, sida uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Rob Jetten ka dib shirkii toddobaadlaha ahaa ee dowladda.

Golaha Wasiirrada Holland ayaa sidoo kale qiimeenaya in la mamnuuco adeegyada iyo maalgashiga dhulka Falastiin ee Israa’iil xooga ku heysato.

“Netherland waxay sii waddaa inay ka hadasho xadgudubyada sharciga caalamiga ah iyo inay taageerto gargaar bani’aadamnimo oo dheeraad ah,” ayuu yiri Raysalwasaare Jetten. “Si loo kordhiyo cadaadiska saaran dowladda Israa’iil ee Benjamin Netanyahu, Golaha Wasiirradu waxay ogolaadeen cunaqabatayntan oo ah tii ugu horeysay.

Sannadihii lasoo dhaafay ayey dood xoogan ka dhex socotay dalalka EU-da in xayiraad lagu soo rogo Israa’iil, iyadoo qaar kamid ah dalalka Yurub arrintan hortaagnaayeen, waana tilaabadii ugu horeysay ee dalka Holland si gaar ah u qaato.

Cunaqabateynta Yurub waxay noqotay mid aan lagu guuleysan sababtoo ah dhammaan 27-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub kuma heshiin, iyadoo wada ogol ah. Waxaana kamid ahaa dalalka diiday cunaqabateyn la saaro Israa’iil dalalka Germany, Italy, Czech Republic, Austria, Greece iyo Hungary.

Holland waxay raadineysaa iskaashi ay la sameyso dowladaha kale ee xubnaha ka ah EU-da kuwaas oo horey u qaaday tallaabooyin ka dhan ah Israa’iil. Waxaana kamid ah dalalka horey tillaabooyin u qaaday Spain, Sweden, Ireland, Slovenia iyo Belgium.

Mamnuuciddu waxay khuseysaa alaabada ka soo baxda degsiimooyinka Israa’iil ee ku yaal Dhulka Falastiin ee la haysto iyo Buuraha Golan ee Suuriya.

Dowladdu waxay rabtaa inay ka hortagto in Netherlands ay dhaqaale ahaan ku biiriso “qabsashada sharci darrada ah iyo dayactirka degsiimooyinka sharci darrada ah,” ayuu yiri Raysalwasaaraha Holland.

Baarlamaanka Holland, ayaa horey u weydiistay xukuumada inay mamnuucdo soo dejinta ganacsiga laga keeno Israa’iil sannadkii hore.