Hoobiyayaal dad ku dhaawacay Muqdisho.

5 April, 2025

Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen hoobiyayaal saaka…

Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen hoobiyayaal saaka lagu weeraray xaafado katirsan degmada Warta nabadda ee gobolka Benaadir.

Hoobiyayaashaan oo siweyn looga maqlay qaybo kamid ah Muqdisho ayaa ku dhacay barxadda Warta nabadda, waxaana dadka ku dhaawacmay kamid ahaa macalin dugsi quraan ku haystay xaafaddaasi, sida ay goob joogayaal warbaahinta u shegeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xirtay goobaha la beegsaday, waxaana saraakiisha ammaanku warbaahinta u sheegeen inay wadaan baaritaano dheeraad ah, xogaha weerarkaanna la wadaagi doonaan.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaasi iyo cidda sida rasmiga ah loogu bartilmaameedsanayey, waxaana hadda socda gurmad loo fidinayo dadka dhaawacyadu ka soo gaareen.