Hoobiyayaal lagu weerar Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

28 April, 2025

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyayaal ah oo saaka lagu weeraray Taliska Xalane…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyayaal ah oo saaka lagu weeraray Taliska Xalane iyo xaafadaha ka agdhaw oo fariisin u ah qaar kamid ah Hay’adaha caalamiga ah iyo diblumaasiyiinta taageera Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan Muqdisho ayaa HM u xaqiijiyey in ilaa 9 Hoobiye ay ku dheceen aaggaasi isla markaana qaarkood siweyn looga maqlay degmooyinka gobolka Benaadir ka kooban yahay.

Ilaa seddex madfac oo hoobiye ah ayaa si toos ah ugu dhacay gudaha xerada Xalane, halka qaar kalena ay ku dheceen gudaha xaafadda Korontada oo aan ka dheerayn Xerada Xalane.

Lama shaacin khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay weeraradaasi, inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo fudud oo soo gaaray qaar ka mid ah shacabkii ka agdhawaana, mana jiro wax war arrinkaasi ku aadan oo ka soo baxay dowladda.