Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa gaaray heshiis is-afgarad (MoU) oo ka kooban…

Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa gaaray heshiis is-afgarad (MoU) oo ka kooban 14 qodob, kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaaddii bilihii la soo dhaafay ka socotay gobolka Bariga Dhexe.
Heshiiska ayaa dhigaya in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan howlaha militari ee labada dhinac iyo xulafadooda, iyadoo sidoo kale lagu daray in la dhowro madax-bannaanida iyo amniga Lubnaan.
Qodobada heshiiska waxaa kamid ah dib-u-furista marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, yareynta xannibaadaha badda ee saarnaa Iiraan, iyo bilaabidda wada-hadallo soconaya 60 maalmood oo lagu gaari doono heshiis rasmi ah. Mareykanka ayaa sidoo kale ballanqaaday taageero dhaqaale iyo qorshe dib-u-dhis oo lagu kobcinayo dhaqaalaha Iiraan, halka Tehran ay oggolaatay inay la shaqeyso hay’adaha caalamiga ah ee kormeerka arrimaha nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaa weli loo arkaa mid ku-meel-gaar ah, iyadoo arrimaha ugu adag sida mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iiraan, cunaqabataynta caalamiga ah iyo amniga gobolka loo gudbiyay wada-xaajoodyada xiga. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiisku aanu weli ahayn mid kama dambeys ah, isagoo ka digay in tallaabooyin militari dib loo qaadi karo haddii heshiiska lagu xadgudbo.



