Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal duqeyn qorshaysan…

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal duqeyn qorshaysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Xubnaha duqaynta lagu diley ee katirsanaa Alshabaab waxaa kamid ah Cabdi Xiiray, oo horay u abaabulay weerarro iyo dhagaro badan oo lagu beegsaday shacabka iyo ciidamada ku sugan deegaannada Hirshabeelle.
Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah wiiqista awoodda Al-Shabaab ee gobolka, iyadoo saraakiisha amnigu sheegeen in ay sii wadi doonaan qorshayaasha ka dhanka ah kooxdan si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.
Dalalka Soomaalida ka taageera dhanka amniga oo Maraykanku ugu horreeyo ayaa muddooyinkii dambe laba jibbaarey weerarada ka dhanka ah kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya.



