Horjooge Abdirahmaan Shirwac Laahoor oo Boosaaso ku geeriyoodey.

18 March, 2025

Saldhig gaar ah oo kuyaalla magaalada Boosaaso waxaa gelinkii dambe ee xalay ku geeriyoodey madixii dilalka…

Saldhig gaar ah oo kuyaalla magaalada Boosaaso waxaa gelinkii dambe ee xalay ku geeriyoodey madixii dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ee kooxda Daacish, Abdirahmaan Shirwac Laahoor oo ciidanka difaaca Puntland qabteen 3dii February 2025.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Laahoor oo xalay caafimaad ku seexday saalaga loogu tegey joodarigiisa gaarka ah isagoo meyd ah isla markaana aan weli la xaqiijin qaabka uu u geeriyoodey.

Abdirahmaan Shirwac Laahoor, oo hormuud u ahaa koox Daacish u qaabilsanayd dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ayaa horay maxkamadi ugu xukuntay dil toogasho ah, waxaana qabashadiisii kadib laga helay xogo dheeraad ah oo ku saabsan qorshayaasha Daacish, dadkii ay wada shaqaynta lahaayeen iyo arrimo kale.