Xubin sare oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa soo bandhigay Salaad Naxar Xirsi, oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Daacish, kaas oo isu soo dhiibay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland.
Salaad ayaa ka faa’idaystay cafiska Madaxweynaha Dowladda Puntland ee ku wajahan in aan dadka deegaanka ee ay khaldeen argagixisada, isna soo dhiiba loola dhaqmi doonin si lamid ah argagixisada Ajaanibta iyo Soomaalida ah ee lagu qabto dagaalka.
Horjoogahan ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa sheegay inuu ka dhiidhiyay ajaanibta Argagixisada ah ee ku soo duushay degaannada Puntland, taasina ay sababtay inuu dowladda isku soo dhiibo.