Horjooge Sare oo AlShabaab ah Lagu Dilay Gobolka Bakool

9 November, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobollada Baay…

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu qayb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee wali ku dhuumanaya gobolladaas.

Howlgalka ugu weyn ayaa ka dhacay tuulada Abal oo ku taalla koonfurta magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo Al-Shabaab ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed Nuur (Goofow). Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarradii kooxda ay ku beegsan jirtay shacabka gobolka Bakool.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay hub iyo dukumentiyo muujinaya qorshayaal lagu maleegayay falal amni-darro ah. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ninkan la dilay ayaa ahaa Amiirka Xisbah ee saldhigga Tuulada Abal, isla markaana door muhiim ah ku lahaa abaabulka weerarrada Al-Shabaab ee gobolka.

Sidoo kale, howlgal kale oo ciidamada ay ka fuliyeen tuulada Waro Mintaaniya ee gobolka Baay ayaa lagu dilay laba xubnood oo muhiim ah oo Al-Shabaab ka tirsanaa, kuwaas oo lagu kala magacaabay Yaxye (Abuu Khaliid) iyo Shariif (Amiir). Labadan horjooge ayaa lagu eedeeyay in ay hormuud u ahaayeen weerarro iyo qaraxyo ay kooxda ku beegsatay shacabka iyo ciidamada dowladda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku ammaanay ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay ku wajahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta. Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in aan meelna u noqon doonin gabbaad cadowga, iyadoo lagu wado in howlgalada lagu xasillinayo gobollada Baay iyo Bakool la sii dardar geliyo ilaa laga ciribtirayo kooxaha nabad diidka ah.