Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay halka ay ku dambeeyeen wada-xaajoodyadii u dhexeeyey shirkadda gacanta ku haysa…

Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay halka ay ku dambeeyeen wada-xaajoodyadii u dhexeeyey shirkadda gacanta ku haysa dekedda Garacad ee Wadaagsan iyo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo ka shaqaysa horumarinta dekedaha iyo raalinta aqoonsiyo caalami ah.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay arrintaasi ayaa shaaciyey in wadahadaladii farsamo ee labada shirkadood guul ku soo dhammaadeen iyadoo aysan jirin faragelin dowladeed ama cadaadis banaanka ah.
“Arrinta dekedda Garacad oo muhim ahayd waxaad ogtihiin muddo waxaa socdey wadahadal shirkad dalka Imaaraadka ah iyo shirkadda Wadaagsan waxaa socdey wadahadal dhinaca farsamda ah, labadii shirkadood oo aan dowlad iyo cidkale ku dhex-jirin arrimihii farsamada oo dhan waa soo dhammeeyeen”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in arrintaasi uu weheliyo mashruuca dhismaha laamiga dekedda Garacad iyo deegaanka Tuur-dibi oo ah marin muhiim u ah dhaqaalaha Puntland iyo isu socodka bulshooyinka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.