Hotelada Puntland oo lagu tababarayo soo dhaweynta dalxiisayaasha.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha dhaqanka, Dalxiiska iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Magaalada…

6 September, 2025

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha dhaqanka, Dalxiiska iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Magaalada Garoowe tababar uga furay 25 kamid ah maamulayaasha iyo hawl wadeenada Hotelada & goobaha Martiqaadka Magaalada.

Tababarkaan oo ay furitaankiisa goob joog ka ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Ciise Cismaan iyo qaar kamid ah agaasimayaasha Waaxyaha, ayaa diiradda lagu saarayaa Maamulka hotelada iyo soo dhaweynta macaamiisha soo booqanaya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in tababarkaan looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda soo jiidashada maamulayaasha hotelada ee Macaamiisha iyo sidii ay Puntland u jeclaysiin lahaayeen dalxiisayaasha kala duwan ee soo booqanaya, si ay qayb uga noqdaan kor u qaadista dhaqaalaha.

“Waxaan doonaynaa in Puntland lagu qabto shirarka caalamiga ah ee ka dhaca dalalka geeska Africa, waana idinka cidda soo jiidan karta waayo xafiisyada dowladda lama imaanayo ee idinka ayaa dadka soo jiidan doona, dalxiisayaasha waa in adeeggiinu jeclaysiiyaa inay soo booqdaan Puntland si ay u soo kordhiyaan dhaqaale iyo shaqo abuur”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.