Howlgal lagu dilay Horjoogayaal muhiim u ah Alshabaab.

6 November, 2025

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku dilay labo ka mida horjoogayaasha argagixisada AlShabaab, kadib…

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku dilay labo ka mida horjoogayaasha argagixisada AlShabaab, kadib hawlgallo milatari oo ay ka fuliyeen deegaanka Deynuunaay iyo tuulooyin ku dhow oo ka tirsan gobolka Baay.

Saraakiisha dowlada ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay horjoogihii AlShabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda ee gobolka Baay, kaasoo lagu magacaabo Abuu Khaalid (Yaxye), iyo ku-xigeenkiisa oo aan magaciisa la shaacin, iyagoo la socday maleeshiyaad dhowr ah oo ilaaladiisa ahaa.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Deynuunaay, Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xooggan iyo duqeymo gaaban xilliga uu howlgalka socday, waxaana la sheegay in kooxda ay khasaare kale ka soo gaartay.

Taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad Cali Maxamed Aadan (Cali Cadoow) ayaa sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo AlShabaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalada noocan ah ay yihiin kuwo ka mid ah qorshaha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya ku doonayso in lagu cirib tiro AlShabaab guud ahaan dalka.