Howlgalka AUSSOM oo bannaynaya 56 saldhig oo kuyaal Somalia haddii uusan helin taageero dhaqaale.

Ciidamada howlgalka Midowga Africa ee AUSSOM oo Somalia ku leh 56 saldhig oo ku yaalla Koonfurt…

11 August, 2026

Ciidamada howlgalka Midowga Africa ee AUSSOM oo Somalia ku leh 56 saldhig oo ku yaalla Koonfurt Somalia gaar ahaan deegaamada Hirshabeelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir ayaa ka guuraya Somalia dhammaadka sanadkaan haddii aysan helin taageero dhaqaale, kadib go’aan ka soo baxay dowladda Maraykanka oo joojinaysa taageeradeeda nabadaynta Somalia.

Xog ay daabacday Balqiis Insights ayaa lagu sheegay inay magaca AUNSSOM ku howlgalaan 11,826 oo askari, waxaana goobaha ugu badan ku sugan ciidamada Uganda oo jooga 22 saldhig, Itoobiya oo ka howlgala 15 saldhig, Kenya 8 saldhig, Jabuuti 6 saldhig iyo Burundi oo ku sugan 5 saldhig, kuwaas oo dhammaan ka qayb qaata hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab iyo ilaalinta goobaha muhiimka ah sida xarumaha dowladda, garoomo diyaaradeed, dekedo, baro hubin amni ilaa Madaxtooyada qaranka.

Ilaa dhammaadka sanadkii hore ee 2025 Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa bixiyey adeegyo muhiim u ah sii socoshada howlgalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin saadka, gaadiidka, isgaarsiinta, daadgureynta caafimaadka iyo adeegyada kale ee taageerada hawlgalka, waxaana xilligaan xiritaan ku dhaw xafiiska UNSOS oo dhawaan bilaabay beecinta qaar kamid ah agabkiisii shaqada.

Go’aanka Maraykanka ee ah inuusan taageeri doonin sii wadista UNSOS wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026 ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan mustaqbalka maalgelinta iyo howlgalka AUSSOM iyo sida ay Somalia ammaan ahaan isugu filnaan doonto haddii ay baxaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Africa, xilli ay dhawaan Alshabaab gacanta ku dhigtay deegaamo katirsan gobolka Hiiraan.

Ciidamada Itoobiya oo muddo dheer ka hawlgelayey deegaamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa banneeyey degmada Buur-xakaba iyo deegaamo kale oo katirsan gobolka Baay, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya ciidamo ka amarqaata Lafta-gareen iyo hoggaanka Madaxweyne Aadan Madoobe.