Howlgalkii Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee Galbeedka Saxaraha oo dhammaanaya kaddib 35 sano

Howlgalkii 35-ka sano socday ee nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee gobolka Galbeedka Saxaraha ayaa la soo afjarayaa, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku guuldarreystay inuu cusbooneysiiyo muddada loo igmaday, sida uu Axaddii sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

2 November, 2026

Dowladda Morocco oo sheegata lahaanshaha dhulka Galbeedka Saxaraha ayaa soo dhaweysay go’aanka, halka Jabhadda Polisario oo taageero ka hesha Algeria, kana soo horjeedda sheegashada Morocco, ay walaac ka muujisay.

Jabhadda Polisario ayaa tan iyo sannadkii 1976-dii, markii Spain oo horay u maamuli jirtay dhulkaas ay ka baxday, u ololeynaysay in Galbeedka Saxaraha uu noqdo dal madax-bannaan.

Howlgalka nabad ilaalinta ee loo yaqaan MINURSO ayaa halkaas ka jiray tan iyo markii xabbad-joojin ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay la gaaray sannadkii 1991-kii.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in 1-da Nofeembar uu bilaabanayo marxaladda xiritaanka howlgalka, iyadoo agabka iyo hantida howlgalka dib loogu celinayo dalalka ay ciidamadu ka yimaadeen.

Go’aanka soo afjaraya howlgalka ayaa imaanaya sannad kadib markii Golaha Ammaanka uu meel mariyay qaraar uu Mareykanku soo diyaariyay, kaas oo qorshaha Morocco ee ah in Galbeedka Saxaraha la siiyo ismaamul hoos yimaada madax-bannaanida Morocco lagu tilmaamay xalka ugu macquulsan ee lagu soo afjari karo khilaafka.

Ruushka oo ka aamusay codbixintii sannadkii hore ayaa sannadkan diidmada qayaxan (Veto) ku hor istaagay qaraar kale oo Mareykanku taageerayay, kaas oo sii xoojin lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee qorshaha Morocco, isla markaana dhimi lahaa awoodda howlgalka nabad ilaalinta.

Golaha Ammaanka ayaa intaas kaddib diiday qaraar kale oo Ruushku soo bandhigay, taasoo keentay in howlgalka MINURSO uu dhammaado iyada oo aan loo cusbooneysiin muddo cusub.

Howlgalka MINURSO waxaa loo xil saaray kormeerka xabbad-joojinta iyo diyaarinta afti dadweyne oo lagu go’aamin lahaa mustaqbalka dhulka Galbeedka Saxaraha. Hase yeeshee, aftidaasi weligeed ma dhicin, sababo la xiriira khilaaf ka taagan cidda xaqa u leh inay codbixinta ka qeyb qaadato.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Morocco, Nasser Bourita, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in tixraaca aftida ee magaca howlgalka, oo xarafka ‘R’ uu ka tarjumayo, uu yahay arrin waqtigeedii dhammaaday.

Waxa uu intaas ku daray in Morocco horay loogu wargeliyay in Ruushku hor istaagi doono qaraarka Mareykanka, balse ay arrintaasi u aragtay fursad dib loogu eegayo qaar ka mid ah xeerarka iyo habraacyada khuseeya khilaafka.

Qasriga boqortooyada Morocco ayaa isaguna sheegay in go’aanka aan dib loogu cusbooneysiin howlgalka uu yahay horumar muhiim ah oo horseedi kara in arrinta Galbeedka Saxaraha laga saaro miiska Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Algeria ayaa Sabtidii muujisay sida ay uga xun tahay go’aanka, iyadoo ku eedeysay Mareykanka inuu si xad-dhaaf ah ugu janjeero mowqifka Morocco.

Xigasho: Reuters.

Horseed Media