Hungary: Midowga Yurub ma maalgelin karo dagaalka Ukraine, Maraykanka la’aantii

7 March, 2025

Ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orban ayaa Jimcihii sheegay in Midowga Yurub uusan awoodin inuu maalgeliyo dadaallada militari ee Ukraine, maadaama kaalmada dhaqaale ee Mareykanka aan la damaanad qaadi karin.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxda dalalka Midowga Yurub, marka laga reebo Hungary ay saxiixeen bayaan ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Ukraine.

Orban, oo xulafo la ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sidoo kale ka shaqeynaya xoojinta xiriirka kala dhexeeya Moscow, ayaa u sheegay raadiyaha dowladda Hungary in dowladdu ay bilaabi doonto “la-tashi dadweyne” maxalli ah oo ku saabsan ku biiritaanka Ukraine ee Midowga Yurub toddobaadyada soo socda.

Tani waxay ku soo aadeysaa iyadoo Midowga Yurub uu ku guuldareystay, shalay oo Khamiis ahayd, inuu ku heshiiyo mowqif mideysan oo ku saabsan taageerada Ukraine ka dib markii Hungary aysan taageerin hadal ay ku jiraan inay gargaar dheeraad ah siiso Kiev.

War qoraal ah oo kasoo baxay 26-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, ayaa lagu caddeeyay mowqifka Midowga Yurub ee ku aaddan dagaalka ka socda Ukraine, waxaana lagu caddeeyay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inay sii wadaan gargaarka ay siinayaan Kiev, oo ay ku jirto taageerada milateri.

Orban, oo caan ku ah mawqifyadiisa taageeradda Ruushka, ayaa mar hore ku dhawaaqay diidmadiisa sabtidii hore warqad uu u diray madaxweynaha golaha Yurub Antonio Costa, isaga oo xusay in ay jiraan kala duwanaansho istaraatiijiyadeed oo ku wajahan Ukraine.

Horseed Media