Huwanta Maraykanka oo Iran ku qaaday weeraro burburiyey korontadii Tehran.

Israa’iil iyo Mareykanka ayaa bilaabay weeraro cusub oo ka dhan ah Iiraan iyadoo Tehran ay dib…

23 March, 2026

Israa’iil iyo Mareykanka ayaa bilaabay weeraro cusub oo ka dhan ah Iiraan iyadoo Tehran ay dib u cusbooneysiisay weerarrada aargoosiga ah ee ay ku qaadayso deriskeeda Khaliijka, waxayna ballan qaadeen inay weerari doonaan xarumaha korontada ee Israa’iil & wadamada gobolka.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabeen mowjad ballaaran oo weerar ah oo ay ku qaadayaan bartilmaameedyada kaabayaasha dhaqaalaha ee Tehran iyagoo burburiyey xarumihii korontada Magaalada Caasimadda ah.

Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka Admiral Brad Cooper ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Iiraan ay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka soo ridayso meelaha dadku ku badan yahay, isagoo soo jeedinaya in meelahaas la beegsan doono, inkastoo Yuhuuddu aysan bixin wax caddayn ah oo ku saabsan sheegashada xilli ay horay u xansuuqday shacabka Falastiin.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goob wax soo saar matoorada turbine-ka ah oo ku taal gobolka Qom ee waqooyiga-dhexe ee Iiraan oo loo isticmaalo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qaybaha diyaaradaha ee ku xiran Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

Sawirradii ugu dambeeyey ee laga qaaday Tehran ayaa muujinaya xaalad madaw ah iyo koronto la’aan xilli ay Iran ku hanjabayso inay beegsan doonto goobo cusub oo muhiim u ah Maraykanka, Israel iyo dalalka taageerada siiya intaba.