Urur goboleedka IGAD ayaa dedaal xooggan ku bixinaya sidii uu Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia…

Urur goboleedka IGAD ayaa dedaal xooggan ku bixinaya sidii uu Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo mucaaradka ugu cadaadin lahaa inay heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka kadib fashilka shirkii Muqdisho.
Ugu horrayn IGAD ayaa soo dhaweysay wada-hadallada tooska ah ee dhex maray dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, waxayna ku boorrisay inay sii wadaan wada-xaajoodyada si xal looga gaaro arrimaha weli taagan, iyadoo loo marayo hannaan dhisaya kalsooni iyo wadajir.
Bayaan ka soo baxay IGAD ayaa lagu xusay in wadahadal siyaasadeed oo joogto ah uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, xoojinta dowlad-dhiska, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Dhanka kalena, urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan xalal mideynaya shacabka, kor u qaadaya kalsoonida bulshada, isla markaana ilaalinaya mustaqbalka fog ee xasilloonida iyo horumarka hay’adaha dowladda.




