Urur-goboleedka Bariga Afrika ee IGAD ayaa soo dhoweeyey heshiis siyaasadeed oo taariikhi ah oo dhawaan lagu…

Urur-goboleedka Bariga Afrika ee IGAD ayaa soo dhoweeyey heshiis siyaasadeed oo taariikhi ah oo dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka Madasha Samatabixinta.
IGAD ayaa heshiiskan ku tilmaamtay mid lagu soo afjarayo is mariwaagii siyaasadeed ee muddo dheer ka taagnaa dalka, isla markaana gogol-xaar u noqonaya doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda muddo ku dhow 50 sano.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa lagu sheegay in ururku uu ku ammaanayo dhinacyada heshiiyey hoggaankooda iyo go’aankooda siyaasadeed isagoo heshiiska ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca midnimada, xasilloonida iyo dib uheshiisiinta Soomaaliya.
IGAD ayaa si gaar ah ugu hambalyeysay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo ku tilmaamtay inuu muujiyey bisayl siyaasadeed iyo hoggaan loo dhan yahay. Ururku waxa uu ku boorriyey dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay qaataan tanaasul iyo wadashaqeyn si loo xaqiijiyo nabad waarta.



