Mas’uuliyiin ka kala socda Shiinaha, Ruushka, Hindiya iyo dalal kale ayaa ku sugan Tehran iyadoo Iiraan ay isu diyaarinayso inay u baroordiiqdo Hoggaamiyihii Sare, kaasoo lagu dilay duqeyn cirka ah bilowgii duulaankii Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.

Dhowr wafuud caalami ah ayaa gaaray Iiraan si ay uga qeyb galaan aaska Qaran ee Hoggaamiyihii Sare ee Ayatollah Ali Khamenei oo duqeyn lagu dilay dhamaadkii Feberaayo.
Wakiilo rasmi ah oo ka socda Shiinaha, Belarus, Ciraaq iyo Turkmenistan ayaa dhammaantood ka degay caasimadda Iiraan ka hor aaska, sida laga soo xigtay muuqaallada TV-ga dawladdu soo bandhigtay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan Amir Khan Muttaqi, oo xubin ka ah Taliban, ayaa sidoo kale ka qeyb galaya munaasabada aaska Qaran.
Wakiilo ka socda xulafada Iiraan ee Ruushka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale jooga.

Wafti ka socda Hindiya ayaa sidoo kale gaaray Tehran Jimcihii.
Waxaa sidoo kale gaaray halkaas wafuud ka socda Boqortooyada Sacuudiga, Cumaan iyo Qatar.
Mas’uuliyiinta ugu sarreeya Ciraaq iyo Armenia ayaa u safray Tehran si ay uga qayb galaan munaasabadaha, iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.
Xubno ka tirsan qoyska Xasan Nasrallah, oo ah hoggaamiyihii kooxda Lubnaan ee Xisbullah oo isaguna lagu dilay weerarka Israa’iil, ayaa sidoo kale ka soo qayb galaya.
Munaasabadaha rasmiga ah ee loogu baroordiiqayo Khamenei ayaa la filayaa inay bilaabmaan Sabtida waxayna dhammaan doonaan Isniinta, iyadoo malaayiin Iiraaniyiin ah la filayo inay ka soo qayb galaan.
Naxashkii Khamenei ayaa horey loo sii dhigay Masaajidka Weyn ee Mosalla.

Magaalooyinka kale ee naxashka Khamenei loo qaadi doono waa Qom, oo ah magaalo diimeedka Shiicada, iyo sidoo kale Ciraaq, kahor inta aan lagu aasin magaaladiisa Mashhad Khamiista.
Hawada sare ee Iiraan iyo waddooyin badan oo ku yaal magaalooyinka lagu soo bandhigi doono naxashkiisa ayaa la xiri doonaa dhowr maalmood sababo amni awgood inta lagu jiro aaska Qaran.




