Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa mar kale sheegtay in Maraykanku uu marka hore buuxiyo shuruudaha Tehran, ka hor inta aan dib loo furin marinka muhiimka ah ee Gacanka Hormuz.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Ismaaciil Bagaei, ayaa Isniintii sheegay in Iiraan aysan dib u furi doonin marinka ilaa uu Maraykanku ka jawaabo dalabaadkeeda.
“Waxay ku xiran tahay dhinaca Maraykanka inuu joojiyo oo uu saxo tallaabooyinkiisa sharci-darrada ah iyo kuwa burburka geystay,” ayuu yiri Bagaei.
Maxay Iiraan ka doonaysaa Maraykanka?
Dabayaaqadii toddobaadkan, xubin ka tirsan Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, oo sidoo kale ah taliye ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayaa sheegay in Tehran ay Maraykanka ka doonayso dhowr arrimood.
Dalabaadka waxaa ka mid ah:
- In Maraykanku uusan mar dambe Iiraan u hanjabin.
- In la bixiyo magdhow ku saabsan khasaaraha ka dhashay bilo dagaal ah.
- In si joogto ah loo soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Iiraan iyo xulafadeeda gobolka, oo ay ka mid yihiin Xisbullah ee Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen iyo Xamaas ee Marinka Gaza.
- In laga qaado xannibaadda lagu hayo dekedaha iyo maraakiibta Iiraan ee marinka Hormuz, isla markaana ciidamada Maraykanka laga saaro aagga.
- In la qaado cunaqabataymaha saaran Iiraan, lana sii daayo hantida Iiraan ee la xannibay.
Is-mariwaaga ka taagan marinka Hormuz ayaa sababay koror weyn oo ku yimid qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka.
Iiraan ayaa wadahadallo kula jirta Cumaan oo ku saabsan isu-socodka maraakiibta ee marinka, oo ay ku jirto suurtagalnimada in si ku-meelgaar ah loo sameeyo marin ammaan ah oo maraakiibtu isticmaalaan.
Hase yeeshee, Tehran waxay sheegtay in dib-u-furid dhab ah oo marinka ah ay ku xirnaan doonto wadaxaajoodyada ay la yeelanayso Maraykanka.
Trump: Wadahadallo waaweyn ma jiraan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in Washington aysan hadda Iiraan kula jirin wadahadallo waaweyn.
“Si hoose ayaan u wadnaa,” ayuu Trump yiri, sida ay werisay warbaahinta Maraykanka ee Axios.
“Waxaan iyaga kula jirnaa wadaxaajood qayb ahaan ah. Waxaan kaliya daawanaynaa Iiraan oo ay haysato sicir-barar aad u sarreeya iyo xaqiiqda ah inaysan haysan wax lacag ah.”
Trump ayaa sidoo kale muujiyay rajo ah in ugu dambayn la gaari doono xal labada dhinac ku qanci kara.
“Way hagaagi doontaa. Mar walba way hagaagtaa. Waa sida ciyaarta shaxda,” ayuu yiri isaga oo ka hadlayay dagaalka.




