Iiran ayaa soo bandhigtay laba soo jeedin intii uu socday booqashadii taliyaha ciidamada Pakistan Asim Munir uu ku tagay Tehran Sabtidii, iyadoo Islamabad ay xoojinayso dadaallada lagu dhexdhexaadinayo Iiraan iyo Mareykanka iyo ka hortagga dagaal cusub oo qarxa.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadu, Tehran waxay soo bandhigtay inay shuruud uga dhigayso furitaanka marin biyoodka Hormuz in marka hore Mareykanku magdhow uu bixiyo.
Tehran waxay sidoo kale codsatay in wadahadallo ku saabsan yareynta cunaqabataynta iyo lacagaha la xayiray la qabto kahor inta aan heshiis la saxiixin.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Esmaeil Baghaei ayaa maanta sheegay “in ujeeddada booqashada taliyaha ciidamada Bakistaan Asim Munir ee Tehran ay ahayd in la is dhaafsado farriimo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka”.
Tallaabadan diblomaasiyadeed ayaa timid kadib markii warbaahinta Mareykanka ee Axios iyo CBS News ay sheegeen in Mareykanka uu ka fiirsanayo weerarro milatari oo cusub oo lagu qaado Iiraan haddii wadahadalladu fashilmaan. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa si isdaba joog ah uga digay in tallaabo milatari ay weli u furan tahay haddii aan heshiis la gaarin.
Dhanka kale, Trump wuxuu maanta khadka teleefonka kula hadlay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, oo xafiiskiisu uu sheegay inuu taageero u muujiyay “dhammaan dadaallada loogu talagalay in lagu xakameeyo xiisadda iyada oo loo marayo wadahadal diblomaasiyadeed.”




