Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Iiraan, Hossein Kermanpour, ayaa sheegay in habeenimada Sabtida ay ahayd mid deggan, isla markaana aysan jirin weerarro cusub oo la diiwaangeliyay.

Dubai – Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in habeenkii Sabtidii uu ahaa kii ugu horreeyay muddo ku dhow laba toddobaad oo aanay dhicin duqeymo cusub oo Mareykanku ka geystay gudaha dalka, arrin loo arkay hakad ku-meel-gaar ah oo ku yimid dagaalka sii xoogeysanayay. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda gobolka ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoo khatarta ku hareeraysan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz aysan weli dhammaan. Sida ay baahisey wakaalada wararka ee AP.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Iiraan, Hossein Kermanpour, ayaa sheegay in habeenimada Sabtida ay ahayd mid deggan, isla markaana aysan jirin weerarro cusub oo la diiwaangeliyay. Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) dhankiisa ma uusan xaqiijin wax hawlgal militari ah oo cusub, taas oo ka duwan 13-kii habeen ee ka horreeyay oo ay jireen weerarro isdaba joog ah.
Hase yeeshee, hakadkaasi ma muujinayo in colaaddu dhammaatay. Dagaalka ayaa weli ka socda meelo kala duwan oo Bariga Dhexe ah, iyadoo labada dhinac ay sii wadaan diyaargarow militari iyo is-abaabul istaraatiiji ah.
Xiisadda Hormuz iyo Badda Cas
Marin-biyoodka Hormuz, oo maraakiibta qaada qayb weyn oo shidaalka caalamka ay isticmaalaan, ayaa weli ah xarunta ugu weyn ee muranka. Weerarro hore oo lagu qaaday maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan amniga isu socodka badda iyo saameynta uu dagaalku ku yeelan karo dhaqaalaha adduunka.
Dhanka kale, fallaagada Xuuthiyiinta ee Yemen, oo Iiraan ay taageerto, ayaa weerarro ku qaaday maraakiib shidaal oo Sacuudigu leeyahay oo marayay Badda Cas. Jawaab ahaan, Sacuudi Carabiya waxay qaaday duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyo Xuuthi ah gudaha Yemen, taasoo sii ballaarisay colaadda gobolka.
Suuqyada caalamka oo feejigan
Inkasta oo habeenkii ugu dambeeyay aanu dhicin weerar cusub, suuqyada caalamka ayaa weli si dhow ula socda xaaladda. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in hakad kasta oo ku yimaadda isu socodka maraakiibta ee Hormuz ama Badda Cas uu si degdeg ah kor ugu qaadi karo qiimaha shidaalka, kharashaadka gaadiidka badda iyo sicir-bararka dunida, sida uu qorey wargeyska The Wall Street Journal
Diblomaasiyiin iyo quwado caalami ah ayaa weli ku baaqaya in la dejiyo xiisadda, hase yeeshee illaa hadda ma jiraan calaamado muujinaya heshiis siyaasadeed oo degdeg ah oo soo afjari kara colaadda sii fidaysa.
HM




