Iiraan oo ku celisey inuusan xalka labada maamul suurtagal ka ahayn Gaza.

8 March, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa markale ku celiyey diidmada Tehran ee ku aadan…

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa markale ku celiyey diidmada Tehran ee ku aadan xalka labada maamul ee Israa’iil iyo Falastiin lagu wadaajinayo dhulka Gaza, isaga oo carabka ku adkeeyay in taageerada aan kala go’a lahayn ee Iran ay siiso qadiyada Falastiin ay tahay mid ku taagan xaalad kasta.

Mar uu Jimcadii ka hadlayey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo la isugu yeeray si wax looga qabto duqaymaha soo laba kacleeyey ee Israa’iil ka waddo Gaza,ayuu hoosta ka xariiqay mowqifka adag ee Iran ay ka taagan tahay Falastiin, wuxuuna ku tilmaamay taageerada Tehran ay tahay mid aan laga doodi karin”.

“Taageerada aan kala go’a lahayn ee dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee qadiyadda Falastiin waa wax aan laga doodi karin, go’aankeenna adagna ma dhammaan doono xaalad kasta,” ayuu yidhi.

Wasiirku waxaa kale oo uu meesha ka saaray xalka laba maamul isaga oo u doodaya in la helo “hal waddan oo dimuqraadi ah” oo ah xalka kaliya ee lagu gaari karo.