Iiraan oo qaaday weeraro aargoosi ah kadib markii Mareykanka uu weeraray saldhigyo milatari

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay weerar aargoosi ah ku qaadeen…

1 June, 2026

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay weerar aargoosi ah ku qaadeen saldhiga Kuwait oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka oo ay sheegeen in loo adeegsaday weerar lagu qaaday munaaradda isgaarsiinta Iiraan, iyadoo Kuwait ay cambaareysay weerarrada Iiraan ee dhulkeeda.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii Mareykanka uu sheegay inuu qaaday weerarro ka dhan ah Iiraan maalin kahor si uu uga jawaabo “ficillada gardarrada ah ee Iiraan oo ay ku jirto soo ridista Drone Mareykanka leeyahay oo ah nooca loo yaqaan MQ-1”.

“Ka dib gardarrada ciidamada Mareykanka ee munaaradda isgaarsiinta ee Jasiiradda Sirik ee Gobolka Hormozgan saacad kahor, Ciidanka Cirka ee IRGC waxay bartilmaameedsadeen saldhigga cirka ee uu ka yimid gardarrada, bartilmaameedyada waa la burburiyay,” ayay ciidamada IRGC ku yiraaheen qoraal ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Fars maanta oo Isniin ah. Ma aysan sheegin halka uu saldhiggu ku yaal.

Kuwait ayaa cambaareysay weerarrada Iiraan
Difaaca cirka ee Kuwait ayaa soo riday gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyadoo, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee KUNA.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa lagu cambaareeyay weerarrada Iiraan ay ka geysatay dhulkeeda.