Telefishinka dowladda Iiraan ayaa Arbacadii sheegay in qabyo-qoraalka heshiiska ah ee ay la galeen Mareykanka uu…

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa Arbacadii sheegay in qabyo-qoraalka heshiiska ah ee ay la galeen Mareykanka uu ku jiro ballanqaad ah in la qaado xayiraadda badda ee saaran Iiraan, iyo in ciidamada Mareykanka laga saaro gobolka Khaliijka, laakiin Aqalka Cad ayaa si degdeg ah u beeniyay.
Warbixintan ayaa soo xiganeysa qabyo-qoraalka heshiiska labada dhinac, laakiin waxay sheegtay in qoraalka “wali aan la dhammaystirin.”
“Mareykanka wuxuu isku xilqaamay inuu qaado xayiraadda badda ee Iiraan iyo inuu joojiyo dhibaataynta maraakiibta u gudbaya ama ka imanaya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan,” ayaa lagu yiri warbixinta TV-ga dowladda.
Qabyo-qoraalka ayaa sheegaya in Iiraan ay sii wadi doonto maaraynta marinnada maraakiibta, kormeerka maraakiibta, iyo inay ku soo rogto khidmadaha adeegga maraakiibta.
Dhinaca kale, Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa markii dambe ku tilmaamay wararka Iiraan ee heshiiskan “mid gebi ahaanba laga been abuuray”.
Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa lagu wadaa inuu dhawaan shir gudoomiyo, golihiisa wasiirada halkaas oo laga filayo in looga hadlayo dadaaladda iyo wadahadalka la xariira xiisada Iiraan.
Tehran iyo Washington ayaa maalmihii u dambeeyay is dhaafsanayay soo jeedinno lagu soo afjarayo dagaalka, halka xabbad joojin aan caggo adag ku taagneyn hirgashay 8dii Abriil. Mareykanka ayaa isniintii lasoo dhaafay duqeymo ka geystay Iiran, arrintan oo laga cabsi qabo inay soo dadajiso burburka wadahadalka iyo xabad joojinta.




