Iiraan oo sheegtay: ‘inaysan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan wadahadallo cusub’

20 April, 2026

Pakistan ayaa isu diyaarinaysa inay martigeliso wareeg labaad oo wadahadallo ah, laakiin shaki ayaa ka taagan inay dhici doonaan iyo in kale, ka dib markii Mareykanku uu qabsaday markab xamuul ah oo Iiraan laga leeyahay.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa wafdi u diraya wadahadallada nabadda ee ka dhacaya Pakistan, halka Iiraan ay sheegtay inaysan jirin wax qorshe wadahadallo ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa Isniintii sheegtay in Tehran aysan weli go’aansan inay ka qaybgasho wareeg labaad ee wadahadallada la qorsheeyey inay ka dhacaan Islamabada, Pakistan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Esmaeil Baghaei ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Iiraan “aysan qorsheyn” wadahadallo cusub, isla markaana “aan weli go’aan laga gaarin.”

Baqaei ayaa intaas ku daray in Iiraan aysan wax ka beddeli doonin dalabaadkeeda, wuxuuna ku tilmaamay soo jeedimaha Mareykanka kuwo “aan macquul ahayn.”

Wax yar ka hor inta aan la gaarin dhamaadka xabad joojinta labada toddobaad ah oo ku eg Arbacada, xiisad ayaa weli taagan kadib markii Mareykanku uu qabsaday markab Iiraan laga leeyahay.

Milatariga Iiraan ayaa sheegay inay ka aargudan doonaan waxa ay ugu yeereen “burcadbadeednimada ay geysteen ciidamada Mareykanka.” Waxay sheegeen in jawaabtu ay imaan doonto kadib markii Iiraan ay xaqiijisay badbaadinta shaqaalaha iyo qoysaskooda.

Mareykanka ayaa xaqiijiyay maalin kahor in ciidamada badda ee Mareykanka ay weerareen oo ay qabteen markab xamuul oo Iiraan laga leeyahay oo isku dayay inuu jabiyo xayiraadda Mareykanka uu ku soo rogay dekedaha Iiraan.

Iiraan waxay sheegtay in markabku uu kusii jeeday dalka Shiinaha.