Wakaaladda wararka ee Mehr ee Iiraan ayaa Axaddii werisay in ciidamada Iiraan ay soo rideen diyaarad…

Wakaaladda wararka ee Mehr ee Iiraan ayaa Axaddii werisay in ciidamada Iiraan ay soo rideen diyaarad wax basaasta oo Israa’iil leedahay gobolka Hormozgan, xili la filayo in is-afgaradka heshiis nabadeed oo dhexmara Iiraan iyo Mareykanka.
Burburka diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Orbiter oo burburtay, ayaa la helay iyadoo lala kaashanayo ciidamada badda ee Iiraan, sida ay sheegtay hay’addu.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay isku raaceen in heshiis kasta oo kama dambays ah oo lala galo Iiraan uu meesha ka saaro khatarta nukliyeerka ee Iiraan.
Israa’ii ayaa horey dhaw mar ugu guuleystay inay carqaladeyso wadahadalo u socday Mareykanka iyo Iran, sanadkii hore iyo kahor intuusan billaaban duulaankii Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iraan bishii dhamaadkii Feberaayo.



