Iiraan oo xayiraadda Trump sabab uga dhigtay xiritaanka Marinka Hormuz

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa Mareykanka ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay khilaafka ka taagan wadahadallada iyo xiritaanka marin biyoodka Hormuz, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in Tehran aysan u hoggaansami doonin “cagajuglaynta” Washington.

22 April, 2026

Afhayeenka Baarlamaanka Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa Arbacadii sheegay in aysan jiri karin xabad joojin buuxda oo dhex marta labada dal haddii xayiraadda ciidamada badda ee Mareykanka ee dekedaha Iiraan ay sii socoto.

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa ku celiyay mowqifkaas, isagoo carabka ku adkeeyay in diblomaasiyadda ay xalka tahay, oo aysan shaqeyn doonin wax cadaadis ah, ayna lagama maarmaan tahay wadahadallada nabadda.

Hadalkii ugu horreeyay ee kasoo yeera Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayuu ku dhawaaqay inuu kordhin doono xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiraan, oo ku ekayd maanta.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in weerarrada la joojin doono ilaa hoggaamiyeyaasha Iiraan ay “la yimaadaan soo jeedin mideysan” si loo soo afjaro dagaalka.

Iyadoo aan la cayimin waqtiga kama dambaysta ah, hadalka Trump ayaa u muuqda in kordhinta xabbad-joojinta ay tahay mid furan, ugu yaraan dhinaca Mareykanka.