Ilhaan Cumar oo ka hadashay eedeymaha la xiriira khiyaanada $250 milyan

20 December, 2025

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in aysan…

Ilhaan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay doorashada gobolka Minnesota ee Congress-ka

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in aysan ka qoomameynin taageeriddii ay u fidisay Xeerka MEALS intii lagu jiray cudurkii faafa ee COVID-19, inkastoo xeerkaasi lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo la sheegay inay gaareyso $250 milyan, taasoo ka dhacday isla gobolka Minnesota, lana magac baxay “Feeding Our Future” ama Quudi Mustaqbalkeenna.

Ilhaan Cumar ayaa hadalkan ka sheegtay kadib markii wariye ka tirsan Fox News Digital, Nicholas Ballasy, uu su’aal ka weydiiyay iyadoo ku sugan Capitol Hill, isaga oo waydiiyay inay ka qoomameyneyso riixistii Xeerka MEALS iyo in uu door ku lahaa khiyaanada la sheegay. Ilhaan ayaa si cad u diidday eedeyntaasi, iyadoo tiri “Gebi ahaanba maya, xeerkaasi wuxuu gacan ka geystay quudinta carruurta.”

Xeerka MEALS ayay Ilhaan Cumar soo bandhigtay 11-kii Maarso 2020, xilli uu bilowday cudurka COVID-19, waxaana ujeeddadiisu ahayd in wax laga beddelo barnaamijyada cuntada iyo nafaqada ee Waaxda Beeraha Mareykanka, si loo fududeeyo shuruudaha barnaamijyada cuntada dugsiyada, gaar ahaan xilligii dugsiyada la xiray sababo la xiriira cudurka faafa.

Dowlad-goboleedka Minnesota ayaa hadda wajahaya baaritaanno culus oo la xiriira sida loo maamulay lacagaha federaalka ah ee lagu helay ka-dhaafitaannadaasi, gaar ahaan kuwa ku baxay barnaamijka Feeding Our Future, kaas oo mas’uuliyiintu aaminsan yihiin inuu yahay mid ka mid ah musuqmaasuqyadii ugu waaweynaa ee la diiwaangeliyo intii lagu jiray xilliga cudurka faafa ee COVID-19.