Xildhibaan Ilhaan Cumar oo kamid ah aqalka congress-ka dalka Maraykanka ayaa markale iska difaacdey weerar kaga…

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo kamid ah aqalka congress-ka dalka Maraykanka ayaa markale iska difaacdey weerar kaga yimid Madaxweyne Donald Trump iyo kooxaha midigta fog ee dalkaasi.
Muuqaal ay barteeda gaarka ah ku baahisay Laura Loomer oo kamid ah dadka midigta fog ee uu Trump kala tashado arrimaha qaxootiga ayaa muujinaya Ilhan Omar ayaa la weydiiyey goorta ay u ambabixi doonto ama dib ugu laabaneyso Soomaaliya.
Ilhaan Cumar oo ka jawaabtey su’aasha la wadiiyey ayaa tiri,“Anigu meelna ma aadayo halkan ayaan joogi doonaa kadib Trump! Waa nin duq ah oo maskaxiyan waalan. Waxaan rajeynayaa inuu helo caawimada uu u baahan yahay.”
Madaxweyne Donald Trump oo muddooyinkii dambe weerar ku hayey Soomaalida kunool dalka Maraykanka ayaa sheegay in Ilhaan Cumar tahay shaqsi soo galooti ah oo aan xaq u lahayn inay u arrimiso dalkiisa.



