Ilhan Omar oo ah gabar asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya siweynna uga dhex muuqatay siyaasadda…

Ilhan Omar oo ah gabar asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya siweynna uga dhex muuqatay siyaasadda Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay mar kale u tartamayso kursiga Aqalka Hoose ee Mareykanka (Congress), iyadoo tan iyo sanadkii 2018 matalaysay degmada 5-aad ee gobolka Minnesota.
Nancy Mace oo u ololaysa siyaasadda danaysiga ee American First ayaa hormuud ka noqotay hindise dastuurka wax looga beddelayo, kaas oo lagu doonayo in xubnaha Congress-ka, garsoorayaasha federaalka iyo mas’uuliyiinta kale ee sare lagu xaddido oo keliya muwaadiniinta ku dhashay gudaha Mareykanka (natural-born citizens) ayey markaan Ilhan Cumar kala kulmi doontaa loolanka ugu culus ee gobolka.
Mace ayaa ku doodaysa in dadka haya xilalka ugu sarreeya dowladda ay tahay inay yeeshaan “daacadnimo buuxda” oo ku wajahan Mareykanka, iyadoo si gaar ah u magacawday Ilhan Omar iyo xubno kale oo Congress-ka ka tirsan oo ku dhashay dalal shisheeye, iyadoo mucaaradku hindisahaan ku tilmaameen mid takoor iyo naceyb ku saleysan, maadaama uu meesha ka saarayo xuquuqda siyaasadeed ee malaayiin muwaadiniin Mareykan ah oo qaatay dhalashada dalkaas.
Waxka-beddelka dastuurka Maraykanka ayaa u baahan yahay taageerada saddex meelood laba meel Congress-ka iyo ansixinta 38 gobol, iyadoo Ilhaan Cumar ay taageero buuxda ka haysato dadka soo galootiga ah ee Maraykanka.




