Senator Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo madaxda kale ee…

Senator Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo madaxda kale ee xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor ayaa cambaareeyey beegsigii dhawaan Madaxweyne Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ay ku sameeyeen jaaliyadda Soomaalida gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
“Kuma eedayno sharci-darrada hal shakhsi bulsho dhan,” ayay tiri Ilhaan, iyada oo tixraacaysa dilal badan oo ka dhacay Minnesota iyo kiisas musuq ah oo ku saabsan adeegyada bulshada, kuwaas oo qaar badanoo ka mid ah ay ku lug lahaayeen Soomaali-Maraykan lagu eedeeyay inay boqollaal kun oo doollar inay ka qaateen barnaamijyada dowladda ee loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta gaajaysan ee lagu caawiyo dhalinyarada autismka qaba iyo in ay dadka ka caawiyaan helitaanka guri.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii inuu si degdeg ah u joojinayo barnaamijka difaaca siinaya Soomaalida Maraykanka ee (TPS) isaga oo ku andacooday inay koox Soomaali ah ay argagax galinayaan dadka gobolka Minnsota.
“Koox Soomaali ah ayaa argagax galinaya dadka gobolkaasi weyn, waxaana la waayay balaayiin doolar”, Ayuu yiri Trump oo ka hadlayey barnaamijka TPS oo soo bilowday 1991.



