Ilhan oo ku cambaareysay Imaaraadka Xasuuq Suudaan ka socda

30 October, 2025

Xildhibaanad Ilhan Omar oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee dalka Maraykanka ayaa ku sheegtay qoraal ay…

Xildhibaanad Ilhan Omar oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee dalka Maraykanka ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda X (Twitter) in dalka Suudaan uu wajahayo musiibo bani’aadamnimo oo ka mid ah kuwa ugu xun caalamka, isla markaana ay halkaas ka socoto xasuuq ba’an oo si xun u saameeyay shacabka.

Ilhan ayaa sheegtay in dagaalka Suudaan uu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca in ka badan 12 milyan oo qof taasoo ay ku tilmaamtay xaalad murugo leh oo u baahan jawaab degdeg ah oo caalami ah.

Waxay sidoo kale sheegtay in sawirrada iyo muuqaallada muujinaya ciidanka RSF oo qabsaday magaalada El Fasher ay yihiin kuwo naxdin leh, kana tarjumaya xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo si joogto ah u socda.

Xildhibaanadda ayaa si adag u cambaareysay Imaaraadka Carabta iyo ganacsatada hubka ee taageera ama siiya hubka ciidanka RSF iyo maleeshiyaadka la safan, iyadoo ku baaqday in si dhab ah loo marsiiyo sharciga.

Ilhan Omar ayaa ugu dambayn ku celisay baaqeeda ku aaddan in beesha caalamka ay si degdeg ah uga falceliso xasuuqa iyo barakicinta ballaaran ee ka jirta Suudaan, si loo joojiyo dhibaatada bani’aadamnimo ee sii xoogeysaneysa.