24 March, 2026
Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland, ayaa maanta degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal ku daah-furay qeybinta Deeq…

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland, ayaa maanta degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal ku daah-furay qeybinta Deeq Raasin ah oo ay dowladda Imaaraadka Carabtu ugu talagashay gurmadka abaaraha.
Deeqdaan rashinka ah ee ka timid dowladda Imaaraadak Carabta ayaa loogu galay 15,000 oo qoys maalmahan laga qeybin doono dhammaan Gobollada Puntland.
Masuuliyiinta Dowladda Puntland iyo guddiga gurmadka abaaraha ee ku sugnaa goobta ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka garab istaaga ay u muujiyeen Dowladda iyo shacabka Puntland .




