Imaaraadka Carabta oo 2 Markab oo Daamur ah ugu deeqay laamiyada Puntland.

8 February, 2025

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland u soo dirtay laba Markab oo Daamur ah, si loogu dhammaystiro wadada Ceel-daahir Ceerigaabo oo muddo dheer qabyo ahayd.

Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa saaka ku soo xirtay Markab sida Foostooyin Daamur ah oo loogu talagalay dhammaystirka wadada laamiha ah ee isku xirta deegaanka Ceel-daahir ee gobolka Bari ilaa degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Markabkaan sida Daamurka ayaa kamid ah laba Markab oo Daamur ah kuwaasi oo dowladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday dhismaha laamigaan ahmiyadda weyn u leh isku xirka gobolka Sanaag iyo guud ahaan deegaamada kale ee Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisak Axmed Saciid, oo ay weheliyaan Xildhibaanno, Wasiirro, iyo Guddiga Dhismaha Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Dawladda Imaaraadka Carabta daamurta loogu talagalay dhameystirka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Dhismaha laamiga Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo oo muddo dheer mashruuciisu qaatay ayaa dhawaan guddiga gacanta ku haya shaaciyeen inay bilaabeen wajiyadiisii ugu dambeeyey, waxaana Daamurku ahaa baahida ugu badan ee dibudhacyada keenay.