Imaaraadka Carabta oo Garoowe siweyn looga taageeray.

16 January, 2026

Mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo boqolaal katirsan shacabka Garoowe ayaa habeenimadii xalay ka qaybgalay munaasabad taageero loogu…

Mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo boqolaal katirsan shacabka Garoowe ayaa habeenimadii xalay ka qaybgalay munaasabad taageero loogu muujinayey dowladda Imaaraadka Carabta iyo doorkii ay ka qaadatay dagaalka Cal-miskaad.

“Dowladda Imaaraadku waa saaxiib aan leenahay mana goynayno, haddii Imaaraadka laynaga xiro ma Xamar ayaa adeeg inooka imaanayaa, waxay ahaayeen walaal dhab ah oo inoogu hiiliyey dagaalkii Cal-miskaad”, Ayuu yiri Axmed Hurre oo Lataliye u ah Madaxweyne Deni

“Juqajuqaynta iyo hadalada socda dhegyaan loo dhigin, Puntland waa difaacaynaa inagoo kaashanayna saaxiibadeena iyo jaaliyaddeena dibadda waa isku filanahay”, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir.

Dhankiisa duqa degmada Garoowe Geeddi Axmed Tuure ayaa sheegay,”Dadka kaliya ee dagaalkii Cal-miskaad inoo gurmaday oo ina garabtaagnaa waxay ahaayeen Imaaraadka, maanta Soomaali majiro qof ka maarma Imaaraadka.”