Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa ah inuu ka baxayo OPEC iyo OPEC+ si uu diiradda u saaro “danaha qaranka”, isagoo la tacaalaya dhaawaca culus ee kasoo gaaray dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan oo sababay khasaaro badan iyo khal khal ku yimid tamarta oo saameeyay dhaqaalaha adduunka.

Tallaabadan, oo dhaqan geli doonta Jimcaha, ayaa ka tarjumaysa “aragtida istiraatiijiyadeed iyo dhaqaale ee muddada dheer ee Imaaraadka Carabta iyo xaaladda kaabayaasha tamarta ee isbeddelaya”, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay warbaahinta dawladda Talaadadii shalay.
Wasiirka Tamarta ee Imaaraadka Carabta Suhail Mohamed al-Mazrouei ayaa sheegay in go’aanka la qaatay ka dib markii si taxaddar leh loo eegay istiraatiijiyadaha tamarta ee gobolka. Markii la weydiiyay in Imaaraadka Carabta uu la tashaday Sacuudi Carabiya oo ah dalka ugu miisaanka culus OPEC, wuxuu sheegay in Imaaraadka Carabtu uusan arrinta la soo qaadin waddan kale.
Ka bixitaanka Imaaraadka Carabta ee OPEC oo ay ka ahayd xubin muddo dheer, ayaa abuuri karta jahawareer iyo khal-khal ku yimaada Isbaheysigaasi dalalka Saliidda soo saara, kuwaas oo inta badan isku dayayay inay muujiyaan inay ku midaysan yihiin siyaasadda, qorshaha wax-soo-saarka, kootada iyo Qiimaha Saliidda.



