Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa Magaalada Abu-dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta kulamo siyaasadeed kula qaatay saraakiil…

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa Magaalada Abu-dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta kulamo siyaasadeed kula qaatay saraakiil & Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Dubai.
Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in shirarkaasi looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somalia, dadaallada xal u helidda khilaafka Deni iyo Axmed Madoobe kala dhexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Somalia.
Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan safar aan la shaacin ku tegi doono dalka Imaaraadka Carabta, kaddib safarkiisa Qadar.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii dambe dedaal ku bixinaysay sidii laysugu soo dhawayn lahaa Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia & Maamulada Garoowe iyo Kismaayo.




