Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareysay dhacdadii ay kooxaha burcad-badeeddu dil iyo dhaawac ugu…

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareysay dhacdadii ay kooxaha burcad-badeeddu dil iyo dhaawac ugu geysteen shaqaale saarnaa markabka shidaalka ee MT Honour 25, kaas oo burcad-badeed Soomaali ah ay afduub ugu haysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aan lagu soo furin howlgal ka dhacay xeebaha dalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray shaqaalaha markabka ay muujinayaan khatar weyn oo ku wajahan amniga badda iyo badqabka waddooyinka ganacsiga caalamiga ah.
Imaaraadka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga goboleed iyo mid caalami ah, si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga, loo sugo badqabka shaqaalaha saaran maraakiibta iyo in la adkeeyo amniga iyo xasilloonida marinnada muhiimka ah ee badda.
Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay Puntland shaacisay in kooxdii burcad-badeedda ahayd toogteen 5 kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka MT Honour 25, kahor inta aysan goobta gaarin ciidanka badda Puntland.




