Imaaraadka oo duqaymo ka fuliyey buuraleeyda Cal-miskaad.

4 April, 2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo culus oo habeenimadii xalay ka dhacay qaybo kamid…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo culus oo habeenimadii xalay ka dhacay qaybo kamid ah togga Miraale oo ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxda xiriirka la leh Alqaacida ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntaan oo ay fuliyeen saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraatka Carabta ayaa lagu dilay xubno katirsan firxadka argagixisada Daacish oo is aruursanayay.

“Duqeyn Caawa ka dhacday aaga Ceelka Togga Miiraale waxaa lagu dilay xubno ka mid ah Argagixisada Daacish oo is urursanayey, duqeynta waxaa fuliyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka”.

Ciidamada dowladda ayaa saaka ku sugan goobo aan ka fogan aagga la duqeeyey waxaana qorshuhu yahay in maalmaha soo socda la gaaro aagagga ay ku sugan yihiin firxadka kooxda Daacish.