Imaaraadka oo mar kale duqaymo ka fuliyey togga Miiraale

6 April, 2025

Duqaymo culus ayaa habeenimadii xalay ka dhacay qaybo kamid ah togga Miraale ee gobolka Bari oo ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxda xiriirka la leh Alqaacida ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntaan oo ay fuliyeen saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraatka Carabta ayaa lagu dilay xubno katirsan firxadka argagixisada Daacish oo is aruursanayay.

“Duqeyn kale ayaa caawana ka dhacday Labo goobood oo ka tirsan Togga Miiraale, waxaa lagu dilay xubno ka tirsan Argagixisada Daacish, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka ”.

Ciidamada dowladda ayaa saaka ku sugan goobo aan ka fogan aagga la duqeeyey waxaana qorshuhu yahay in maalmaha soo socda la gaaro aagagga ay ku sugan yihiin firxadka kooxda Daacish.

Horseed Media